2 years ago

Hambalyo Munaasabadda 1-da Luuliyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan

Hambalyo Munaasabadda 1-da Luuliyo



Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda 63 guurada ka soo wareegtay maalintii gobollada koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda qaateen, isla markaana labadii gobol ee woqooyiga iyo koonfurta dalkeennu ay midoobeen.



Toddobaadka xorriyadda dalkeennu waa mid ku suntan, una taagan gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadnimo. Waxaana xuska iyo weynaynta maalmaha xorriyaddu ay dib inoo xasuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka ahaa ee dhaliyey xorriyadda dalkeenna.



Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku boorinayaa in ay mar walba xusuustaan una duceeyaan halyeeyadii naftooda u huray sidii ay dalkeenna iyo dadkeenna uga kor qaadeen heeryadii gumaystaha, waana in aynu sooyaalkooda ka barannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka iyo midnimada dhexdeenna ah.



Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed
[Hambalyo Munaasabadda 1-da Luuliyo

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan](https://somee.social/posts/740270)

  • 6Upvotes
  • $0.00Reward
  • 0Comments

Comments

You can login with your Hive account using secure Hivesigner and interact with this blog. You would be able to comment and vote on this article and other comments.

Reply

No comments